Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya Qarax lagu dilay nin Ganacsade ah oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa xalay fiidkii magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgooska Baar Ubax ka dhacay qarax  nuuca gaadiidka hoosta looga soo xiro, waxaana qaraxan lagu dilay nin la sheegay in ganacsade ahaa.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo ahaa nuuca raaxada waxaa watay nin ganacsade ah oo lagu magacaabayay Cali Macalin Maxamed (Cali Neero), waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay ganacsadaha la socotay xaaskiisa.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Ganacsade Cali Nero oo dhaawac ahaan loo geeyay isbitaalka Digfeer balse markii dambe ku geeriyooday, waxaana qaraxa ka bad baaday xaaskiisa oo xiliga qaraxa dhacayay gaariga la socotay.

Nin ehel la ah Ganacsadaha qaraxa lagu dilay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan wali garaneyn sababta loo dilay Ganacsade Cali Nero, waxa uuna tilmaamay in ninkan uusan shaqo ku laheyn siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira xiligan.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga soo xiro ayaa inta badan waxaa dhimasho iyo dhaawac culus kasoo gaartaa darawalka gaariga lagu xiro, waxaan qaraxa inta badan lagu xiraa kursiga darawalka fdahiisto hoostiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa xiligaan keenay in dowlada Itobiya ay ciidan iyo hub soo geliso Soomaaliya!!

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii ruxay Muqdisho iyo Masuuliyiin waxyeelo kasoo gaartay

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dad Caruur u badan oo ku dhamaaday qarax ka dhacay Masaajid (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---