Taliye Ciidan oo kahor yimid Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sababta keentay

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo Degmada Jalalaqsi u tagay xalinta xiisad halkaasi ka taagneyd ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaasi Muuse Salaad.

Degmada Jalalaqsi waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad u dhaxeesay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti iyo ciidamada booliiska degmadaasi .

Taliyaha booliiska saldhiga degmada Jalalaqsi Muuse Salaad ayaa dhawaan diiday in ciidamada AMISOM damiyaan shirkadaha isgaarsiinta xili ay doonayeen AMISOM in miino baaris ka sameeyaan degmadaasi iyo hareeraheeda.

Ciidamada AMISOM ayaan aad uga carooday talaabada uu qaaday taliyaha booliiska, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Jalalaqsi ka tganeyd xiisada u dhaxeesay AMISOM iyo booliiska Jalalaqsi.

Taliyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa diiday in uu u hogaansamo amarka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in taliyaha wali ku adkeesanayo in uu shaqadiisa sii wato.

Muuse Salaad ayaa sheegay in taliyaha booliiska Hirshabelle soo magacaabay uuna yahay shaqsiga kaliya ee xilkaasi ka qaadi kara, waxa uuna sharci daro ku tilmaamay shaqo joojinta uu ku sameeyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -