Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Ankara (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa gaaray Maagalada Ankara.

Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ankara kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda Turkiga, waxaana loo galbiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa goob gaar ah oo la dejiyay.

Caleemo saarka madaxweyne Erdogan oo mar kale dib loo doortay isbuucii hore ayaa lagu wadaa in beri lagu caleemo saaro Ankara, waxaana caleemo saarka ka qeyb galaya madax kale duwan iyo marti sharaf lagu casuumay martiqaadka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soojireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaana kamid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya.

- Advertisement -