In ka badan 18- Milyan Dollar oo ka maqan lacag Deeq Bixiyaasha ugu deeqeen Somalia (Akhriso)

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sanadeedka ee baarista Hey’adaha maaliyadda dowladda, waxa ayna warbixintan banaanka soo dhigtay  musuq-maasuqa ka jira hey’adaha Dowladda iyo lacago la lunsaday.

Warbixinta uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhowraha guud ayaa lagu soo bandhigay baaritaano lagu sameeyay lacago malaayiin dollar ah oo dowlada Soomaaliya ka heshay deeq bixiyaasha caalamka.

Hay’adaha dowlada qaarkood ayaa la sheegay in lacago badan ay qabteen dib u isicmaaleen, Hey’adaha ayaa qabtay wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 iyagoona dib u isticmaalay , taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda .

Warbixinta Hanti-dhowraha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada  qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayna dib u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.

Lacagta Deeq bixiyaasha caalamka ka heshay dowlada Soomaaliya ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar, lacagtan maqan ayaana laheyn meel loo raaco iyo waxa ay ku baxday.

Halkan ka Akhriso Warbixinta Hanti Dhowraha oo dhamestiran

Audit Reports – Warbixinada Baarista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -