Mooshin xilka looga qaadayo Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo la gudbiyay 

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” .

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in Gudoonka golaha u gudbiyeen mooshinka ka dhan ah Wasiir Oomaar uu sheegay in dastuurka ku xadgudbay.

Mr Idris Waxa uu ku eedeeyay Wasiirka in Xildhibaano uu kamid yahay ku xayiray magaalada Kismaayo ay wali joogaan, waxa uu sidoo kale sheegay in Wasiirka soo saaray awaamiir badan oo sharciga baalmarsan.

”Xildhibaano aan ku jiro waxa gudbiyeen mooshin ka dhan ah Wasiir Oomaar, waxaana rajeenayaa in fadhiya ugu horeeyo ee golaha in mooshinkaasi looga doodo, Wasiirka waxa uu ku takri falay dastuurka dalka ,waxa uu soo saaray awaamiir  sharciga baalmrasan, Xildhibaano aan ku jiro Kismaayo uu ku xayiray” ayuu yiri Xildhibaan Idiris Ganey.

Xildhibaanka ayaa ka gaabsaday in uu soo bandhigo tirada Xildhibaanada mooshinka ka gudbisay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad .

Wasiir Oomaar ayaa awaamiir uu soo saaray lagu xayiray duulimaadkii tooska ahaa ee magaalada Kismaayo , lamana oga in mooshinkan Gudoonka golaha shacabka horkeeni doonaan Xildhibaanada si a uga doodaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -