Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dagaalka Ukraine u adeegsaday hub kiimiko ah

Ruushka waxaa lagu eedeeyey inuu hadda bilaabay adeegsiga hubka ay mamnuuc tahay in la aeegsado oo kiimiko xambaarasan ee loo yaqaan vacuum bomb iyo thermobaric weapon.

Hubkan oo aad qatar u ah wuxuu dhaliyaa neef qabad, holac, iyo dhulka ku hareeraysan meesha uu ku dhacay oo gubta, hubkan waxaa loo adeegsadaa dhufaysyada adag iyo buuraha.

Machadka daraasadka Australia ee Australian Strategic Policy Institute, waxay sheegeen inaanay caddeyn in Ruushku hubkaasi geeyey Ukraine balse aanay waxba u jirin inuu geeyo oo uu isticmaalo.

Horey Human Rights Watch waxay ugu eedaysay fallaagada Ruushku taageero ee gobolka Donbas ee Ukraine inay adeegsadeen hubkan.

Ruushku hubkan wuxuu u adeegsaday dagaalkii Jejniya, sida ay sheegayaan ilo wareed kala duwan. Si la mid ah Mareykanka ayaa u adeegsaday dagaalkii Afgaanistaan si uu Al-Qaacida uga saaro buuraleyda. Maamulka Bashar Al Asad ee Suuriya ayaa isna lagu eedeeyey inuu u isticmaalay dagaalka Suuriya.

- Advertisement -