Kenya oo si layaab leh uga jawaabtay Dacwadii dowlada Somalia u gudbisay Hay’ada ICAO

Hay’adda Duulista hawada Soomaaliya ayaa dhawaan dacwad ka dhan ah dowlada Kenya u gudbisay hay’adda maamulka Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee loo soo gaabiyo ICAO.

Diyaarad kasoo duushay magaalada Nairobi ayaa jabisay xayiraad ay soo saartay dowlada Soomaaliya, kadib markii diyaaradan iyada oon fasax heysan si toos ah uga degtay magaalada Kismaayo .

Masuul katirsan dowlada Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray eedeynta dowlada Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ku eedeyneyso Kenya shaqadii in ay qabsado laga doonayay.

Waxa uu sheegay masuulkan in dowlada Soomaaliya in ay xaq u leedahay in hawada ku qabato diyaaradii kusoo xad gudubta hawadeeda, waxa uuna tilmaamay in aysan sax aheyn in taa badalkeeda Kenya ku eedeyso xadgudubkan.

Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in dowladooda u hogaansato xeerarka caalamiga ah ee duulimaadka, waxa uuna beeniyay in ay dowladooda shaqo ku leedahay diyaarada ku xad gudubtay duulimaadka hawada Soomaaliya.

Warkan kasoo yeeray masuulkan katirsan dowada Kenya ee magaciisa la qariyay ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya ay ku eedeesay Kenya xad gudubka lagu sameeyay hawada Soomaaliya.

Kenya ayaa gacan saar la leh Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dowlada federaalka dib u doorashadiisa ku tilmaantay mid sharci daro ah, waxa ayna Kenya ogolaatay in diyaarad la kireestay duulimaad sharci daro ah ku tagto Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -