Madaxweyne Xaaf oo War kasoo saaray Guddiga Dowlada federaalka magacawday

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa magacawday Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug , waxaana magacaabista guddigan mudooyinkii dambe ka taagnaa khilaaf.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta ee magacawday dowlada federaalka, waxa uuna cadeeyay in raali ka yahay guddigan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xaaf in dhismaha guddigan kala qeyb qaateen Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka, waxa uuna balan qaaday in guddigan kala shaqeyn doonaan dhameystirka dhismaha Galmudug.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Xaaf soo saaray 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com