Maxkamad ku taalla Maraykanka oo xukun culus ku riday Madaxweyne Trump

Maxkamad ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku amartay inuu waaxda dambi baarista ee New York uu u soo gudbiyo canshuur celintiisii ee 8-ddii sannadood ee ugu dambeysay.

Garsooraha Maxkamada ayaa diiday doodaha qareenada madaxweynaha ee ah in xasaanada guud ay ilaaliso isaga inta uu xafiiska joogo.

Madaweynaha ayaa xukunka ka dib bartiisa Twitter-ka soo dhigay in arrintani ay dabada ka riixayaan xisbiga Dimuqraadiga si madaxweyne dambi loogu helo isaga.

Trump waa madaxweynaha kaliya ee Mareykanka soo maray ee aanan shaacin cashuur celintiisa tan iyo sannadkii 1960-kii.

Xukunkaan maxkamadda ayaa sahlayaa baaritaanka ku saabsan lacagtii la sheegay in la siiyay labadii dumar ee sheegay inay xiriir la lahaayeen Mr Trump.

Garsoore Victor Marrero ayaa sheegay in uusan aqbali karin Sheegasho aan xad lahayn oo ku aaddan xasaanadda madaxweynaha ee Nidaamka garsoorka” hase ahaatee qareenada Madaxweynaha ayaa dacwad racfaan ah u gudbiyay Maxkamadda sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -