Canada oo been abuur ku tilmaantay war uu faafiyay Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya

Dowladda Kenya ayaa si adag u beenisay war uu faafiyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Alfred Mutua , kaa oo sheegay in dadka shaqo doonka ah ee u dhashay Kenya si sahlan ku tagi karaan dalka Canada.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Alfred Mutua ayaa sheegay in dowladda Canada kula heshiiyeen in fursado shaqo oo ka bannaan Canada la siiyo dadka Kenya, waxa uuna xusay in ay fududahay fursadaha dadka Kenya ku tagi karaan Canada.

“Hadda, Canada waxay haysaa fursado ka badan dadka shaqeyn kara waxaanuna ku heshiinay in dadka Kenya ay buuxiyaan kaalintaas bannaan. Habraaca logu tala galay kuwa Canada aadaya aad ayuu u fududyahay balse dadaal ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Alfred Mutua wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya.

Waaxda qaxootiga iyo muwaadinnimada ee Canada ayaa war kasoo baxay ku beenisay sheegada wasiirka arrimaha dibadda Kenya ee ku aadan in ay heshiis la galeen Kenya ayna jiraan barnaamijyo shaqo ee dadka Kenya ugu soo safrayaan Canada.

“Warar been abuur ah ayaa la isla dhex wareegayaa kuwaas oo sheegaya in ay jiraan barnaamijyo gar ah oo soo dhaweynaya dadka Kenyan ka ah ee usoo safra canada. Tani waa been, barnaamijyada la xusayna ma jiraan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda qaxootiga iyo muwaadinnimada ee canada.

Dadka Kenya ah ee jecel in ay u safraan dalka Canada ayaa ku farxay warka kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda , waxaana warkan kasoo baxay dowladda Canada niyad jab ku noqday dadka Kenyan ee horey ugu farxay warkii wasiirka arrimaha dibadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -