Haweeneydii ugu horeesay oo iyada oo kamid ah Senetka Mareykanka oo dhashay

Haweeney 50-sano jir ah kana mid ah Senatarada dalka Mareykanka ayaa cunug dhashay , waxa ayna noqotay Haweeneydii ugu horeesay oo xubin ka ah Senatorada Mareykanka oo cunug dhasha.

Tammy Duckworth oo laga soo doorto gobolka Illinois ayaa kamid ah Xubnaha xisbiga Dimuquraadiga ku matala Senetarada dalka Mareykanka, waxa ayna Hawenadan kamid tahay xubnaha saameynta leh ee ku jira golaha Senetka.

Haweeneydan ayaa barteeda Twitterka kusoo qoraty in ay dhashay gabar, waxa ayna ugu magac dartay  Maile oo aheyd haweeney kalkaaliso caafimaad aheyd xiligii dagaalkii labaad ee Aduunkna kana mid ah waalidiinta ninkeeda.

Tammy Duckworth ayaa ah curyaan labadeeda lug ku weysay shil ay ku gashay dalka Ciraaq, waxa ayna horey uga tirsaneyd Ciidamada cirka dalka Mareykanka iyada oo aheyd duuliye.

Haweenayday ayaa sidoo kale horay taariikh u samaysay ka dib markii ay noqotay haweenaydii u horraysay ee iyada oo naafo ah loo doorto in ay kamid noqoto aqalka Senetka Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -