Waa kuma RW cusub ee loo magacaabay Somalia? (Akhriso taariikh Nololeedkiisa)

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Hobyo ee Gobolka Mudug, Bishii Oktoobar ee sanadkii 1963-kii.

Rooble waa Injineer ku takhasusay Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Deegaanka, isaga oo Waxbarashada Masterka ee takhasuskan ka qaatay Machadka Royal ee Teknoloojiyadda ee dalka Sweden, sanadkii 2000.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sanadkii 1990-kii ka tirsanaa ardayda barata Culuumta Injineernimada Madaniga ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse burburkii dhacay ee dalka uu ka hor istaagay in uu dhammeystirto Kulliyadda Enjineernimada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu dhiganayey.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka shaqeynayey 14-kii sano ee la soo dhaafay arrimaha horumarinta, gaar ahaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta maalgashiga, ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

RW cusub waa nin ku cusub siyaasada Somalia, waayaddii ugu dambeysay waxa uu la shaqeynayey Hay’adda shaqaalaha adduunka (ILO) waxaa uu ka soo jeedaa degaanada Galmudug gaar ahaan beesha Habar gidir/Sacad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -