Labo ciyaartoy oo isku guursaday garoonka ciyaaraha dhexdiisa (Daawo Sawirro)

Labo ciyaartoy oo lab iyo dheddig kala ah oo u ciyaara dalka Britain ayaa isku mehersaday garoon ay ciyaaro ka socdeen.

Jamell Anderson & Georgia Jones ayaa ka kala tirsan xulka ragga iyo kan dumarka ee ciyaaraha kubbada laliska ee England, iyagoo ka qeyb galayay ciyaaraha dalalka Barwaaqo Sooranka ah.

Kadib markii kooxdii dumarka ay kasoo badiyeen kooxda dumarka ee Mozambuque , halka xulka raggana ay kasoo badiyeen kooxda dalka Cameroon ayaa waxaa bilowday dabaaldegyadii caadiga ahaa.

Balse dabaaldega intaas kuma uusan hakan, waxaa markiiba bilowday dabaaldeg nooc kale ah, waana meherka lammaanahan is calmaday.

Jammel ayaa si lama filaan ah codsigiisa guurka u bandhigtay Georgia, isagoo inta jilbaha dhulka dhigtay, soo bixiyay faraantii, kuna yiri “Ma is guursanaynaa”, falkaas oo dhaqamada reer galbeedka ka dhigan meher rasmi ah haddii ay gabadha ogolaato, wiilkuna faraantida u galiyo.

Markii Jammel la weydiiyay sababta uu meherka ugu soo beegay munaasabadan, ayuu yiri “Waxay ahayd fursad aan wada sugaynay, aadna ugu shaqaynay inaan heerkan soo gaarno, kubbada laliskana waa qeyb weyn oo ka mid ah xiriirkeena jacayl” .

Georgia ayaa garoonka ku laabanaysa maalinta isniinta, iyagoo wajahaya dalka Australia oo ay wada dheelayaan ciyaarta kama dambeysta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -