Madaxweyne Xaaf oo hadalo aan looga baran ka jeediyey shirka Madasha Iskaashiga Somalia

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Somalia ayaa khudbad ka jeediyey shirkaas isagoo ka hadlay maqnaashaha Maamulada Jubbaland iyo Puntland iyo arrimo la xiriira dhinacyada, Siyaasada, dhaqaalaha iyo Amniga.

Xaaf oo ka hadlayay Arrimaha Siyaasadda ayaa sheegay inay Shirka ka maqan yihiin Saaxiibo muhiim ah oo loo baahan yahay in arintooda wax laga qabto, isagoo rajo weyn ka muujiyey inay wadaa shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ka jira dalka.

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladaha dalka isla markaana ka caawiyaan horumarinta danta guud.

Sidoo kale xaaf ayaa khudbadiisa ayaa amaan iyo bogaadin ugu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo markii hore shirka ku soo dhaweeyay halkaasna ka sheegay in Xaaf la’aantiis aan la gaari laheyn wax horumar ah oo la xiriira dib u dhiska Galmudug.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka mid ah siyaasiyiinta dhaliilsan Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya, loogamana baran hadalladii qabow ee uu maanta jeediyey, wuxuuna niyad jebiyey siyaasiyiinta mucaaradka oo aad u filayey inuu si kulul madaxda dowlada u weerari doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -