Prof. Saciid Ciise” :Ciyaarta dhuumashowga siyaasadeed ee Xassan & Deni waxaa ka dhalan karta..”

Waxaa ka dhalan kara khatar weyn oo halis ah cayaarta dhuumaashowga siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya Mudane Dr. Xassan iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Mr. Deni oo labadooduba ku eedeysan xadgudbyo ay si isweydaara ugu kala geysanayaan meelmarinta masiirka dowlad goboleedka Puntland iyo haykalka sareeya ee dowladda dhexe ay ku meelmarineyso wanaaga guud ee salka ku haya maslaxada ummadda iyo wanaajinta maamulka dowladda Soomaaliyeed, waxaanse sinaba caqligal u ahayn in dadaalo horumarineed oo loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed loo carqaladeeyo isku quuri waaga ka dhexeeya labada masuul oo ay ahayd in dagaalka ku saleysan arrimahooda gaar ahaneydh ay ka madaxbaneeyaan hawlaha horumarineed ee loo qabanayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne maamul goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa si saxa ugu taagan inuu isbedel ku sameeyo dastuurka duugoobey ee Puntland si uu ula jaanqaaado hiigsiga lagu casriyeynayo hormarinta dimoqaradiyada iyo wanaajinta maamulka dowladda Puntland, balse wuxuu dhanka kale taas bedelkeeda si xooggan uu uga soo horjeestey in wax isbedela lagu sameeyo dastuurka dowladda dhexe si aysan suurtogal u noqonin in laba xisbi siyaasadeed loogu tartamo madaxtinimada Soomaaliya iyo in la hirgeliyo hanaanka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen oo hanaankaas ay sanooyin badan Puntland isugu dooraneysey, waxeyna tilaabadaas ay si cad uga horimaneysaa fikirka uu ku rumeysan yahay Mr. Deni in isbedel loogu sameeyo dastuurka Puntland si loogu meelmariyo tixraaca dimoqaradiyada casriga ah.

Madaxweynaha Jamhuriyaddda Soomaaliya Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamud ayaa si aan leexleexad lahyn u cadeeyey inuu raacsan yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidaasna uu ku rumeysan yahay doonistiisa ku aadan in awooda dowladda dib loogu celiyo gacmaha shacabka Soomaaliyeed, balse wuxuu dhinaca kale taaas bedelkeeda door biday ineysan maamul goboleedka Puntland aysan ka dhicin doorasho qof iyo cod ah, tilaabadaas oo ka horimaneysa aragtidiisa uu ku aaminsan yahay fikirka ku saleysan qabsoomidda doorasho ku dhacda qof iyo cod oo raacsan hanaanka casriga ah ee dimoqaradiyada ku dhisan dowlad wanaaga, taas oo muhiimad weyn u ah dhismaha ismaamulka ku dhisan xukunka rayidka.

Waxaa labada hogaamiye ismandhaafkooda ka muuqda inuusan ahayn mid salka ku haya kala aragti duwanaasho ku saabsan maslaxadda ummadda, balse uu salka ku hayo kala aarsi siyaasadeed oo cabiraya inuu yahay mid salka ku haya ismaandhaaf ka dhashay isqoonsi ka soo bilowday isfahmiwaay ku saleysan dano shaqsiyadeed, waxeyna labada hogaamiye wada qaateen go’aano isku mida oo midba midka kale uu ku xagal daacinayo waajibaadkiisa xileed ee mid walba ka saaran horumarinta maamulkiisa dowladeed, kuwaas oo hadda u muuqda kuwo kala xarig furtay, waxaana meesha ka maqan wax ka qabadka iskhilaafkooda oo aan loo gudbin hayaddaha xalintooda ku shaqada leh, balse taas bedelkeeda ay dhacdo iney labadooduba u gudbiyaan saaxiibada bulshada caalamka eedaha midba midka kale uu ku eedeynayo.

Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise258@aol.com

- Advertisement -