Fahad Yaasiin oo ka carooday Su’aal adag oo lagu weediiyay Kulankii Golaha shacabka

Kusimaha Taliyaha Nabad sugida ahna Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo maanta qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka su’aalo ku weediiyeen kulan amaanka looga hadlayay ayaa si weyn uga carooday qaar kamid ah su’aalihii la weediiyay.

Fahad Yaasiin ayaa ka gaabsaday in uu si faah faahsan jawaabo uga bixiyo qaar kamid ah su’aalihii la weediiyay halka su’aalaha qaarna u sheegay in isagu quseyn ayna muhiim tahay cida ku shaqada leh in la weediiyo.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Fahad weediiyay su’aalo uu aad uga carooday oo ku aadaneyd eedeymo loo soo jeediyay iyo sidoo kale ceyrintii Taliye kuxigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla.

Fahad Yaasiin ayaa si caro leh uga jawaabay su’aasha Xildhibaanka weediiyay, waxa uuna Fahad  codsaday in Xildhibaanka Raali galin deg deg ah ka bixiyo su’aasha qaldan uu Baarlamaanka dhaxdiisa ku weediiyay.

“Shaqo Hey’adda dhexdeeda ah in Xildhibaan aniga i weydiiyo runtii wax aan fiicneyn waaye, sidaas darteed aniga waxaa ii muuqata Hey’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal nuucaan la isku dhex weydiiyay, in Hey’adda iyo aniga shaqsiyan aan u qalmin, hadalkaas wuxuu gef ku yahay hey’adda Nabadsugida shaqsiyan aniga, markii la codsanayay in aan warbaahinta la keenin Baarlamaanka su’aalo ceynkan oo kale oo aan fiicneyn ayaa ka dhalan lahaa, Mudane Guddoomiye waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudur daar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa”ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Kusimaha Taliyaha Hay’ada Nabad sugida Fahad Yaasiin ayaa maanta su’aalo ada u badan Xildhibaanada ku weediyeen kulanka golaha shacabka, waxaana Fahad uu aad u dhibsanayay su’aalaha ay weediinayeen qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -