Britain oo shaacisay iney wadahadal u fureyso dowladaha Somalia & Kenya

Britain ayaa sheegtay inay dhexdhexaadineyso dalalka Somalia iyo Kenya oo hadda kiis u dhaxeeya uu ka furanyahay Maxkamadda ICJ kaasoo la xiriira bad ay Somalia leedahay oo Kenya ay sheeganeyso.

Danjiraha Dowladda Britain u fadhida Kenya Mrs Jane Marriot, oo gurigiisa ku booqatay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ayaa sheegtay in wadahadalka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee arrintan lagu dhameyn karo iyadoo intaas ku dartay in dowladdeedu ay diyaar u tahay inay dhexgasho arrintan.

“Wadahadalka Kenya iyo Somalia waa muhiim si loo xalliyo arrintan, tallaabada uu Uhuru Kenyatta kula kulmay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Newyork waxaa ay ahayd mid muhiim ah oo waddada u xaareysa in arrinta wadahadal lagu dhameeyo” ayey tiri danjire Jane Marriot.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo todobaadkii hore isku arkay New York ayaa isku afgarteen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Maxkamadda ICJ oo kiiska badda dib u dhigtay muddo laba bilood ah ayaa ku dhawaaqday inay dhegeysigiisa billaabeyso 4ta Bisha November-2019, iyadoo dhinaca kale Somalia aysan dooneynin in kiiskan ay wadahadal ka gasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -