Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Ergadii soo dooratay Jawaari oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa deegaanka Buullo fulaay oo katirsan gobolka Baay kusoo bandhigtay qaar kamid ah ergadii magaalada Baydhabo kusoo dooratay Xildhibaanada golaha shacabka kuwaa oo u tagay Al Shabaab kana dalbaday cafis.

Ergada Al Shabaab soo bandhigeen ayaa la sheegay in ay ku jireen qaar badan oo kamid ah Ergadii kursiga Xildhibaanimo usoo doortay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Munaasabada ka dhacday deegaanka  Buullo fulaay ee ergada lagu soo bandhigayay waxaa ku sugnaa masuuliyiin sar sare oo katirsan Al Shabaab ay ku jireen Gudoomiyaha Gobolada Baay iyo Bakool, Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow iyo Sheekh Cali Katiin .

Al Shabaab ayaa degmooyin iyo deegaano badan oo katirsan goobaha ay maamulaan kusoo bandhigay Odayaal iyo Ergooyin qaar kamid ah gobolada dalka kusoo doortay Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka kuwaa ay sheegeen in cafis loo fidiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ka hadlay Darawalkiisa oo ku biiray Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidanka DF ee Raaskamboni oo isku dhiibay Kenya (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo caawa ku soo laabtay dalka ka dib safaro uu ku tagay saddex dal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---