Allbanaadir.com
NEWS

Xaaf oo soo saaray War cusub oo niyad jab ku riday Dowlada federaalka (Akhriso)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in uu ka laabtayĀ wakaalashadi Wasaarada arimaha gudaha dowlada federaalka ee arimaha doorashooyinka Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in dowlada federaalka gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha uu u wakiishay arimaha doorashooyinka aysan la imaan waxqabad muuqda oo lagu qanci karo oo dhinaca geedi socodka doorashooyinka .

Madaxweyne Xaaf ayaa cadeeyay in uu hada kadib shaqasiisa qabsan doono uuna si deg deg ah usoo magacaabi doono guddiyo ka shaqeeya arimaha doorashooyinka sida guddiga qaban qaabada doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta.

Qoraalkan kasoo baxay Madaxweyne Xaaf ayaa niyad jab ku abuuraya dowlada federaalka Soomaaliya oo iyadu waday howsha dib u dhiska Galmudugta cusub sidoo kale ku mashquulsaneyd dhismaha guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Akhriso Warka kasoo baxay Madaxweyne Xaaf

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo tagay xarunta cusub ee loo dhisayo Xukuumadda (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo booqasho xasaasi ah ku tagay Eritrea (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---