Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Caro laga muujiyay Boorar Islaam-naceyb ah oo la suray Gobalka Georgia

Boor Islaam naceyb ku saleysan oo lagu dhejiyay fagaare u dhow Jaamacadda Georgia State University ayaa baraha bulshada ka dhaliyay doodo kulul kaas oo loo arkay mid lagu bartilmaansanayo tira-yarta Muslimiinta ah ee ku nool gobalka.

Boor waxaa ku qoran qoraal ah “Alle-diid, cabsi la’aan, Muslim riddoobay.” Waxaa sannadkii hore dhammaadkiisii la suray Atlanta, Chicago iyo Houston, marka loo eego koox fadhigeedu yahay Virginia.

Guddiga Muslimiinta Maraykanka laantiisa Georgia ayaa sheegay inay fal-celin togan kaga hortagayaan tallaabada naceybka leh ee looga soo horjeedo Muslimiinta, waxa ayna Muslimiinta caro ka muujiyeen boorkaasi laga dhajiyay Georgia.

Georgia waxaa ku nool tirada ugu badan Muslimiinta Maraykanka, waxaana ku yaal ku dhawaad 70 Masaajid. Taniyo sannadkii 2012-ka, ku dhawaad 22 weerar oo Islaam naceyb ah ayaa lagula kacay Muslimiinta ku nool gobalka, marka loo eego New to America.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida maanta looga ciidayo qaar ka mid ah degaanada Al-Shabaab

Caydiid Ali

Mid kamid ah Madaxda Maamul Goleedyada oo Muqdisho soo gaaray Xili khalalaase jiro

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---