Hey’adda Duulista Hawada oo go’aan culus ka soo saartay duulimaadyada Kismaayo

Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saartay manta mar kale amar gebi ahaanba lagu hakiyay duulimaadyadii tegi jireen Kismaayo laga bilaabo maanta oo ku beegan 23 September illaa 26 September 2019-ka.

 

Amarkan ka soo baxay hay’ada duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa lagu faray Shirkadaha duulimaayada in uusan jirin wax duulimaad ah oo tagaya Kismaayo inta lagu guda jiro mudadaas ay xanibaada saaran tahay, wixii ka dambeeyana dib loo fasixi doono duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Kismaayo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii shalay Magaalada Kismaayo laga joojiyay safar uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Sharif Sheekh Axmed uu halkaas Ku tagi lahaa.

Dowlada Somalia ayaa isku dayeysa iney carqaladeyso xaflada caleemo saarka Axmed Madoobe oo la qabanayo maalinta beri ah si wufuuda ka qeyb galaysa aysan halkaas u gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -