Shiikh Shariif: “Dowladu waxay ku socotaa hanaan qaldan oo sababi kara iney burburto”

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiilkh Axmed oo goor dhow shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa arrin nasiib daro ah ku tilmaamay talaabadii shalay dowlada federaalku ugu diiday inuu u dhoofo Magaalada Kismaayo.

Shiikh Shariif ayuu qorshihiisu ahaa inuu Kismaayo kaga qeyb galo xaflada caleemo saarka Axmed Madoobe oo beri halkaas ka dhaceysa, iyadoo dowladu horey u sheegtay ineysan aqoonsaneyn natiijo kasta oo ka soo baxday doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo.

“Waxaan aaminsanahay in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay inuu u safro halka uu doono, waana nasiib daro in dowlad sharci lagu doortay ay ku kacdo wixii aniga shalay igu dhacay oo kale” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa ka waramay marxaladihii ay soo martay dowladnimada Somalia, isagoo xusay in dowladu aysan dowlad noqon Karin haddii aysan ilaalin dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

“Waxaa la yaab leh in qof Maraykanka ka yimid oo leh 30 sano ayaan soo joogay, markii dalkii la isku hagaajiyey la yiri ku soo dhowow waa lagu doortaye inuu qalad noocan ah galo, laga yeelimaayo inuu maalin walba sharciga ku xad gudbo, kana aqbali mayno inuu yiraahdo garoonka kama duuli kartid” ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.

Waxaa uu xusay in dowlada Somalia laga sugayey 24kii saac ee la soo dhaafay iney raali gelin ka bixiso qaladkii ay isaga ka gashay balse nasiib daro ayuu yiri taasi ma dhicin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale sharci daro ku tilmaamay xanibaada dhinaca duulimaadyada ee dowladu saartay Kismaayo, wuxuuna xusay in shacabka magaaladaas ku dhaqan ay xaq u leeyihiin iney dhoofaan halkii ay doonaan.

“Xitaa haddii dowladu ay madmadow ka qabto doorashadii ka dhacday Kismaayo sax maaha in habkan lagu xaliyo, xisaab malaha inta jeer ee dowladu sharciga garab martay, dowladna haddeysan sharciga ku dhaqmin dowlad ma noqon karto, sidaan la wada socono dastuurkii lama dhameystirin, hanaankii doorashooyinka meel uu u socdo lama yaqaano, amni ma jiro xaalada dalka waa ka war heynaa xagee loo socdaa” ayuu isweydiiyey Shiikh Shariif.

Waxaa uu dowlada ku eedeeyey iney shaqo ka dhigatay dabagalka siyaasiyiinta ka soo horjeeda, ayna meel iska dhigtay waajibaadkii ka saarnaa u adeegida bulshada Soomaaliyeed.

“Aniga waxaan ahay qofka ugu dhow mucaaradka ee lagu tuhmayo inuu dowlada u dhow yahay, mararka qaar xitaa waxaa la yiraahdaa heshiis ayuu kula jiraa, balse waxaan idin cadeynayaa xaqiiqada ineysan sidaas aheyn, waxaana  ka mid ahaa dad leh dowlada afarteeda sano haloo daayo balse maanta hadeyba mareyso inaanan u dhoofi Karin magaalo ku taalla dalka sidee anaga iyo iyaga doorasho u wada geli karnaa haddii la gaaro” ayuu yiri yiri Shariif Shiikh Axmed oo intaas ku daray in wadada ay ku socdaan madaxda dowlada ay tahay mid qaldan oo horseedi karta iney burburto dowladnimada, isagoo ugu baaqay iney dib isugu laabtaan, qaladaadka ay galayaana saxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -