Farmaajo oo Daraasad dheer ku sameeyay Cadaalad darada iyo Cabashooyinka Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay cadaalad darada ka jirta hay’adaha garsoorka dalka iyo cabashooyinka ay bulshada kasoo gudbiyeen.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in xaalada garsoorka dalka iyo cadaalada darada jirta si deg deg ah wax looga qaban doono, waxa uuna xusay in ay jiraan cabashooyin badan oo laga soo gudbiyay Hay’adaha garsoorka.

Madaxweynaha ayaa xusay  in daraasad dheer uu ku sameeyay xaaladda Garsoorka Soomaaliya iyo cabashooyinka bulshada ,waxa uuna tilmaamay in la joogo  xiligii wax laga qaban lahaa cabashooyinka Bulshada ay ka qabaan dhanka Garsoorka .

”Waxaa ii dhamaatay daraasad dheer aan ku sameeyay cadaaladda, cabashooyin badan ayaa nooga yimid dhanka Garsoorka, waxaana la jooggaa xilligii wax laga qaba lahaa oo aan sixi laheyn, Si dalka uu u galo xasilooni Siyaasadeed, mid dhaqaale, mid amni, waa in sharciga uu noqdaa mid sareeya, waa in dhamaanteen aan u hogaansanaa sharciga iyo sareyntiisa, waa waajib na wada saran dowlad iyo shacab,” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa marar badan ka cabtay cadaalad darada ka jirta Hay’adaha garsoorka iyo Musuq maasuqa Maxkamada ka jira, waxaana bulshada Soomaaliyeed ka dhursugayaan is badal Madaxweynaha ku samreeyo Hay’adaha garsoorka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -