Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigii uu horkacayey oo gaaray Magaalada New York

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxaa uu halkaasi kaga qeybgalayaa meertada 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaasoo ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaasha dalalka caalamka.

Waxaa wafdiga Madaxweynaha soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Baale iyo xubno kale.

Shirka golaha guud ee QM oo sanadkiiba mar la qabto ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee uu ka qeyb galo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo labadii sano ee la soo dhaafay uu Somalia ku metelayey Raisul Wasaare Khayre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -