Xulka kubada cagta Somalia oo galabta ka haray Isreeb-reebka Koobka Adduunka

Xulka kubada cagta Somalia ayaa ka haray isreebreebka koobka Kubada cagta Adudunka ka dib markii galabta looga badiyey 3-1 ciyaar ay isaga hor yimaadeen xulka Zimbabwe oo ka dhacday magaalada Harare.

Ciyaartan oo aheyd mid aad loo wada sugayey ayaa aheyd lugtii labaad ee labada xul ay fooda isku dareen, waxaana ciyaartii koowaad oo ka dhacday dhowaan dalka Jabuuti 1-0 ku badiyey xulka Somalia.

Ciyaarta galabta ka dhacday Magaalada Harare oo si toos ah looga daawanayey telefishinada localka ah ayaa qeybteedii hore waxay ku dhamaatay 0-0 balse qeybtii dambe daqiiqadii 76aad ayaa Somalia laga dhaliyey goolkii koowaad, iyadoo daqiiqado yar ka dibna kooxda Somalia heleen goolkii barbar dhaca.

Farxada ka dhalatay goolka barbar dhaca ee ay Somalia heshay ma sii waarin, waxaana kooxda Zimbabwe ay dhaliyeen labo gool oo daqiiqado yar ay u dhexeeyeen kuwaasoo soo afjaray rajadii Somalia oo sidaas uga hartay isreebreebka koobka Adduunka ee sanadka 2022 lagu qabanayo dalka Qatar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -