Faahfaahin: Weerar culus oo lagu qaaday Saldhiga ciidamada dowlada ee Ceel-Saliini

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalamay degaanka Ceel-Saliini oo ku yaalla duleedka degmada Marko ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku soo qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin degaanka Ceel-Saliini, iyadoo la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal labada dhinac ay fooda isku dareen.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa ku waramay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac oo mar kaliya isqabsatay, iyagoo intaa ku daray iney la soo deristay cabsi iyo aragagax.

Ciidamada dowladda & Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu dagaalka ka soo gaaray khasaare sidoo kalena ay jiraan waxyeelo soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow saldhiga la weeraray.

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalkaas ayaa waxay ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Saliini balse saraakiisha ciidamada dowlada ayaa beeniyey warkaas, iyagoo sheegay iney iska caabiyeen weerarkaas, ayna khasaare xoog leh gaarsiiyeen kooxihii soo weeraray.

Xaalada degaanka Ceel-saliini ayaa saaka degan ka dib dagaalkii xalay, iyadoo ciidamada Dowladda ay degaanka ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan sida ay sheegayaan Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degaankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -