Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda oo isaga baxay degmo ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada Jabuuti ee hoos taga howlgalka AMISOM ay gebi ahaan isaga baxay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Shacabka degmada qaarkood ayaa waxay sheegeen inay ka war heleen ciidamada Jabuuti oo baneynaya saldhigyada ay ku lahaayeen degmada Jalalaqsi, iyagoo wata gaadiidkooda gaashaaaman.

Taliyaha Booliska degmada jalalqasi ee Maamulka Hirshabelle Muuse Salaad ayaa xaqiijiyey in Ciidamada AMISOM ay ka baxeen dhamaan saldhigyadii ay degmadaas ku lahaayeen ayna la wareegeen ciidamada booliska Hirshabelle.

Masuuliyiinta degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan ogeyn sababta ciidamada Jabuuti u baneeyeen saldhigyadoodii degmada Jalalaqsi, waxaana Goobaha ay baneeyeen ka mid ah Buundada kala qeybisa degmada iyo iyo meelo kale.

Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadlin ciidamada Jabuuti ee ka baxay degmada Jalalaqsi iyo sababta arintaas keentay, iyadoo dhowr jeer ay degmadaas horey ugu dagaalameen ciidamada AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -