Dowlada K/Sudan oo 3 bilood u qabatay ajnabiga ku nool oo ay ku jiraan Soomaalida

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa amar cusub ku soo rogtay dad ajnabiga ah ee dalkaas ku nool oo ay ku jiraan Soomaalida.

War ay soo saartay dowlada ayaa muddo saddex Bilood ah loogu qabtay dadka Ajaanibta ah ee ku sugan dalkaas inay isku diiwaangeliyaan kuna qaataan Warqadaha oggolaanshaha shaqada.

Agaasimaha laanta Socdaalka dalka Koonfurta Suudaan John Akot ayaa sheegay in go’aankan uu billaabanayo maanta oo Isniin ah isla markaana saddex Bilood marka ay dhamaato qofkii aan is diiwaangelin lagu celin doono dalkiisa.

Waxaa uu John Akot sheegay in shan xarumood ay ka fureen dalka oo ay ka mid tahay Magaalada Jubba, si ay dadka isku diiwaangeliyaan una qaataan waraaqaha shaqada.

Soomaali ganacsato u badan ayaa ku sugan dalka Koofurta Suudaan kuwaasoo dalkaas tegay wixii ka dambeeyey intooda badan markii dalkaas uu ka go’ay dalka Sudan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -