Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Turkiga oo War ka soo saartay qaraxii ka dhacay Ankara (Daawo Sawirro)

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in weerar lala beegsaday meel u dhow xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Ankara Axadda maanta ah ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii subaxnimo ee waqtiga dalkaasi gaari ku yimaadeen afaafka hore ee iridda laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna qaadeen weerar Bambaano oo ay ugu yeertay “mid argagixiso ah”

“Nin ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyay kan kalena waa la toogtay” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyadoo intaa ku dartay in laba askari ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Goobta la beegsaday ayaa martigelisa dhowr wasaaradood iyo baarlamaanka Turkiga, kaasi oo lagu wado in maanta uu kalafadhiyadiisa ku bilaabo khudbadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegeen warbaahinta Turkiga.

Related posts

Wararkii ugu Dambeeyay Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmaya iyo Madaxweyne Deni oo …

Cabdi Cade

Q/Midoobay iyo tirakoob ka soo saartay tirada dadka sannadkan lagu dilay Somalia

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo shaacisay Magaca Sarkaal ku dhintay qarax saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali