Saraakiil Maraykan ah oo gaaray Dhuusamareeb & Ciidanka Danab oo saldhig ka sameysanaya (Daawo Sawirro)

Saraakiil ka socotay Wasaaradda Gashaandhiga Mareykanka qaybta hawlgaladda ee Africa  ayaa maanta gaaray magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug iyagoo kulan gaar ah kula qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa looga hadlay sidii Ciidanka Danab ee uu tababaray Mareykanka ay saldhig uga furan lahaayeen Magaalada Dhuusa-mareeb.

Kulanka ka dib ayaa masuuliyiinta Galmudug iyo sarakiisha Mareykanka waxa ay soo indha indheeyeen goobta loogu tala galay in laga hirgeliyo saldhigga Ciidanka Danab, sidoo kale kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug iyo saraakiisha saldhigga ciidanka Danab ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

“Saraakiisha Mareykanka waxay kulan la qaateen Madaxa xukuumadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, waxay noo balan qaadeen in Dhuusa-mareeb ay ka hirgelin doonaan saldhiga ugu weyn ciidanka Danab ee maamul goboleedyada, kormeer ayay ku soo sameeyeen goobaha loogu tala galay ciidamada, marka saldhigan la hirgeliyo waxaa laga soo guuri doonaa midka ku yaalla Gaalkacyo”. ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Ciidamada kumandoska Somalia ee Danab  ayaa tababara, mushaharkooda bixiya sidoo kalena gacanta ku haya ciidamada Maraykanka ee ku sugan Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -