Allbanaadir.com
NEWS

Warar sheegaya in uu Geeriyooday Amiirkii Al Shabaab Abuu Cubeyda

Warar aanan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay VOA-da heshay ayaa sheegaya in hogaamiyihii ururka Al Shabab Ahmed Diriye (Abu Cubeyda) uu Isniinti aanu kasoo gudubnay ku geeriyooday koofurta Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa VOA-da u sheegay in Axmed Diiriye uu u dhintay xanuun dhinaca kilyaha ah.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Abu Cubeyda uu ku geeriyooday meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya galabnimadi Isniintii aanu soo dhaafnay taariikhdana ku beegneyd 25-ka bishan June.

Ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya geerida Axmed Diiriye oo kasoo baxay ururka Al Shabab. Sidoo kale, Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin arrintan.

Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) ayaa qabtay xilka hogaamiyaha Al Shabab, bishii December ee sannadki 2014-ki, kadib marki ay Dowlada Mareykanka duqeyn ku dishay hogaamiyihii isaga ka horreeyay Axmed Godane.

Mareykanka ayaa madaxa Axmed Diiriye dul dhigay lacag dhan 6 milyan oo dollar, waxa uuna Hogaamiyahan in mudo ah kamid ahaa dadka uu sida weyn u baadi goobeyso dowlada Mareykanka.

Xigasho VOASOMALI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare & wufuud kale oo Garowe gaaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo ku laabtay xafiiskiisa Addis ababa, War cusubna soo saaray

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dowlada Qatar oo balan-qaad muhiim ah u sameysay Booliska Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---