Wafdi ka socda Wasaarada Difaaca Maraykanka oo Muqdisho lagu qaabilay (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumada Somalia Xasan Cali Maxamed oo ay wehliyaan xubno uu qeyb-ka ahaa Wasiir-xigeenka Wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga dowlada Mareykanka oo dalka soo gaaray.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya u qeybsanaha safaaradda Mareykanka Ee Somalya Arimaha Gaashaandhigga Col. Lan Murray waxayna ka wada hadleen iskaashiga ka dhexeeya labada Wasaaradood iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Waxyaabaha diirada lagu saaray kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo kuwo ka la mid ah iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Somalia oo la qorsheynayo iney amniga dalka kala wareegeen ciidamada AMISOM iyo qodobo kale.

Maraykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga boqolaal askari oo howshoodu tahay sidii ay dowlada federaalka gacan uga siin lahaayeen la dagaalanka waxaa loogu yeero argagaxisada, gaar ahaan dhinaca tababarada, waxayna mararka qaarkood ciidamadan ku lug yeeshaan howlgalo gaar ah oo lagu ugaarsanayo xubno ka tirsan Al-shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada dowlada.

- Advertisement -