Allbanaadir.com
NEWS

Howlgalka ATMIS oo war kasoo saaray wiil dhallinyaro ah oo Ciidankooda ku dileen Ceelasha Biyaha

War saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ciidamada ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya ayaa looga hadlay wiil dhallinyaro ah oo shalay gaadiidka ciidamada ATIMIS ku jireen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wiilka dhallinyarada ah oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Faarax ayaa waxaa jiiray gaadiidka ciidamada ATMIS, waxaana wiilkan dhaawac culus oo kasoo gaaray shilkaasi markii dambe ku geeriyooday isbitaal lagu daweenayay.

Howlgalka ATMIS ayaa qoraal ay soo saareen ku faahfaahiyeen sidii uu ka dhacay shilka wiilkan ku dhintay, waxa ay sidoo kale ATMIS sheegeen in jidgooyo iyo dhagax tuur kala kulmeen shacab ka carrooday wiilkaasi gaariga jiiray.

Waxa ay sheegeen in baaritaano hadda ku socdaan shilkan sababay geerida wiilka dhallinyarada ah, waxa ayna ballanqaadeen in ay soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxda baaritaanadda hada socda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Mideynta Galmudug & Ahlu Sunna oo lagu soo gebagebeeyey Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal dhiig badan ku daatay oo ka socda Deegaanno u dhaxeeya Caabudwaaq iyo Xeraale

Cabdi Cade

Deni oo kulamo qarsoodi ah ka wada Nairobi iyo Axmed Madoobe oo ku sii jeeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---