Madaxweyne Deni oo Magaacabay Guddi wasiiro ah iyo faahfaahin laga bixiyey

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay dabagalka hirgelinta fursadaha maalgeshi iyo shirkadaha maalgashi ee Puntland

Guddigan oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Puntland, ayaa waxa uu madaxweynuhu faray inay la shaqeeyaan Shirkadaha maalgashi iyo kuwa balanqaadyada la galay Puntaland.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Jaamac Deperani) ayaa ka warbixiyay in xubnaha wasiirrada ah ee oo uu magacaabay Madaxweyne Siciid Deni, waxaana uu sheegay in hadafka loo magacaabay ay tahay in ay fududeeyaan fursadaha maalgeshi ee ka jira Puntland.

Waxaa uu sheegay afhayeenku in shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen Shirkado heer caalami ah iyo qaar kale oo horay ugu sugnaa Soomaaliya, uu saameyn iyo ahmiyad gaar ah u lahaa Puntland iyo gebi ahaanba Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -