Allbanaadir.com
NEWS

Koox la magac baxday Cali Qaran oo dagaal la gashay Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool ayaa sheegaya in deegaan hoostaga magaaladaasi ku dagaalameen dad xoolo dhaqato ah iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Deegaanka Yab-Yab oo hoostaga magaalada Xudur ayaa waxaa ku dagaalamay koox dadka deegaanka ah oo la magac baxday Cali Qaran iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo la sheegay in deegaankaasi u tageen in xoolo Sako ah ka qaadaan dadka deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay kooxda Cali Qaran iyo kooxda Al Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Yab-yab, waxaana nin u hadlay kooxda Cali Qaran uu sheegay in iska difaaceen Al Shabaab kana soo furteen xoolo ay dadka deegaanka ka qaateen.

Ugaas Cali Dirir oo kamid ah kooxda la baxday Cali Qaran ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay diidan yihiin in xoolo xoog looga qaato .

Koox la magac baxday Macawiisley oo ka aas aasan deegaanada Hirshabelle ayaa horey dagaal ula galay kooxda Al Shabaab , waxaana  soo badanaya dadka ku dhiiranaya in ay dagaal la galaan Al Shabaab oo awood badan ku leh qaar kamid ah gobolada dalka.

Related posts

Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Denmark oo xukun adag ku riday wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Dowladdu Meg-dhaw Masiin doontaa G/le Maxamed Mooshin ee dembiga lagu waayay?

Cabdi Cade