Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dil Caawa ka dhacay magaalada Kismaayo iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxa ay dil ugu geesteen askari la sheegay in uu katirsanaa ciidamada booliiska Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay askariga ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa xaafad katirsan magaalada Kismaayo , waxaana kooxihii dilka u geestay oo biskoolado ku hubeesnaa si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay dilka ka geesteen.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada rideen rasaas cabsi ku beertay dadka shacabka.

Dilkan caawa ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaya xili xalay magaaladaasi sidoo kale lagu dilay nabadoon caan ka ahaa ,waxaana xaalada amaanka ee magaalada u muuqataa mid sii xumaaneysa xili la filayo in doorashooyin ka dhacaan.

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xassan Shiikh & dhigiisa Erdogan?

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo Shaqada ka ceyrisay Agaasime Taageere u muujiyay Isra’il

Cabdi Cade

Nin Baahiyay Muuqaalada Weerarkii Masaajida New Zealand oo xukun lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---