Turkiga oo balan-qaad culus u sameeyey Ciidamada Booliska Somalia (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Max’ed (Xijaar) ayaa manta la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz.

S/Gaas Cabdi Xasan Max’ed (Xijaar) iyo safiirka ayaa kawada hadlay xiriirka Booliiska Soomaaliya iyo kan Turkiga, fulinta Mashaariic kala duwan oo Turkigu balan-qaaday inuu ku taageeri doono Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Taliye Xijaar ayaa u mahad celiyey Safaarada iyo Booliiska Turkiga sida ay mar kasta u garab taagan yihiin ciidanka qalabka sida iyo guud ahaan dowlada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya danjire Mehmet Yilmaz ayaa isna ugu hambalyeeyey taliyaha Xijaar xilka dhowaan loo magacaabay, isagoo balan-qaaday in dowladiisu sii wadi doonto taageerada ay siiso booliska Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -