Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas oo maanta boorsooyinkiisa ka qaatay Garawe

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garawe ayaa maanta halkaasi ka qaatay boorsooyinkiisa.

Cabdiweli Gaas iyo Marwadiisa ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Garawe , waxa uuna u dhoofeen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya oo la sheegay in mudo joogi doonaan.

Gaas oo Warbaahinta kula hadlay garoonka ugu baaqay Shacabka Puntland in ay si buuxda u garab istaagan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Deni islamarkaana ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkood

Madaxweynihii hore ee Puntland Cbadiweli Gaas ayaa ku guul dareestay in mar kale Madaxweyne ka noqdo Puntland, waxaana doorashadii bishii hore ka dhacday Garawe kala kulmay guul daro xanuun badan.

Cabdiweli Gaas ayaa la filayaa in mudo ah uu ka nasto siyaasada Soomaaliya, waxaana dad ku dhaw dhaw sheegeen in uu nasiino badan kusoo qaadan doono qurbaha  uu markii hore ka imid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -