Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Wejiga 2aad ee dhismaha dekeda Garacad (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta gaaray degaanka Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa wafdiga Madaxweyne Deni ku soo dhaweeyay Degaanka Garacad, iyadoona ammaanka degaanka Maanta aad loo adkeeyay.

Safarka Madaxweyne Deni ayaa waxaa ku wehliya Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeyb-galay shirkii Maalgashiga Puntland ee shalay lagu soo xiray Magalada Garoowe.

Sababta uu Madaxweyne Deni iyo Xubnaha Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeybgalay shirkii Maalgashiga Puntland ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay booqan lahaayeen goobaha loogu tala galay in laga dhiso dekadda Garacad.

Madaxweyne Deni si rasmi ah u dhagaxdhigay wajigii labaad ee dhismaha Dekeda Garacad, kaasoo lagu tilmaami karo kii ugu dambeeyay oo ah buuxinta Badda.

Dabayaaqada sanadka 2021 ayaa la qorsheeyay in xariga laga jaro Dekeda Garacad oo ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda degaanada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -