Madaxweyne Biixi oo xariga ka jaray mashaaciic laga hirgeliyey Burco (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isagoo kuwo cusubna xadhigga ka jaray.

Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isagoo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Hotel Kaafi ee magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xarigga ka jaray, kuwaasoo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -