Askari ka tirsan ciidanka Somaliland oo dil iyo dhaawac ka geystay Laascaanood

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada laascaanood ee gobolka Sool waxaa halkaasi xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland ee gacanta ku haya xabsiga Magaaladaas.

Dilka askariga ayaa la sheegay inuu geystay askari kale oo ka tirsan ciidanka Somaliland ka dib markii uu muran soo kala dhex galay sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.

Rasaastii loo waday askariga la dilay ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaasi ku sugnaa waxaana goobta isaga baxsaday askariga dilka gaystay.

Booliska Somaliland ayaa xalay illaa saaka hawlgallo ka wada Magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, iyagoo baadi goobaya askariga dilka iyo dhaawaca geystay oo aan la ogeyn halka uu u baxsaday inkastoo la aaminsan yahay inuu ku dhuumanayo gudaha Magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -