Monica Juma oo War yaab leh ka soo saartay kiiska Badda ee Kenya & Somalia

Wasiirka arrimaha dibbedda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay kadib shir jaa’id oo ay ku qabatay magaalada Nairobi inay doonayso inay wada hadal ku dhameyso kiiska badda ee hadda hor yaala maxkamada cadaaladda adduunka.

Monica waxaa ay sheegtay inay aad u danaynayaan in la furo waji kale oo arrintaan lagu xalin karo ka hor inta aan la gaarin waqtiga ay qabatay maxkamada cadaaladda adduunka.

Monica Juma waxaa ay hadalkeeda ku sheegtay inay doonayaan in dib loo dhigo kiiska badda oo ay Soomaaliya ka dhaadhiciyaan inay aqbasho in wada hadal lagu dhameeyo xaaladda taagan.

“Waxaa macquul ah in wada hadal waji ka waji ah aanu yeelano anaga iyo Soomaaliya si arrintaan u dhamayno” ayay tiri wasiirka arrimaha dibbadda Kenya.

QM, Midawga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayay sheegtay inay aad u door bidayso inay arrintaan dhameeyaan ka hor maxkamada.

Dawlada Soomaaliya ayaa horey u diiday inay gorgortan ka gasho kiiskan ay Kenya ku doonayso badda Soomaaliya.

Maxkamadda cadaaladda adduunka ayaa qorshuhu yahay inay kiiskan dhagaysato inta u dhaxaysa 4 illaa 8 bisha November ee sanadkan waxaana dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid dawlada Kenya.

Dawlada Kenya ayaa weli isku dayaysa inay wada hadal ku dhamayso kiiska ay ku doonayso inay ku qaadato badda Soomaaliya ka hor inta aan la furin dhagaysiga Maxkamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -