Nin Gaari jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa Baar kuyaala dalka Jarmalka (Daawo Sawirada)

Gaari Xowli ku socday ayaa jiiray dad badan oo ku sugnaa Baar kuyaala magaalada Muenster ee kutaala galbeedka dalka Jarmalka, waxaana weerarkan ka dhashay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin kaxeenayay gaari xoowli ku socda ayaa dar daray dad badan oo fadhiyay goob baar ah , waxaana halkaasi  ku dhintay sadex qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 20-qof oo kale.

Wakaalada Wararka ee reuters ayaa ku warantay in lix qof oo kamid ah dadka ku dhaawacmay weerarkan ay ku jiraan xaalada halis ah , waxaana socda dadaalo dadkaasi noloshooda lagu bad baadinayo.

Ninkii watay gaariga dadka jiiray  ayaa la sheegay in isna goobta Isku toogtay, waxaana weerarkan baaritaano kuwada laamaha danbi baarista

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -