Iska horimaad Khasaare dhimasho geystay oo ka dhacay degmo ka tirsan Muqdisho

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan booliiska milatare  iyo ciidanka ilaalada xarunta degmada Dayniile ayaa goordhaw ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada ee magaalada Muqdisho

Sida xogta ku helay iska hor imaadka ayaa ka dhashay xabbado kor loo riday, taasoo keentay kala shaki iyo in rasaas la isweydaarsado.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadka oo socday daqiiqado kooban uu joogsaday markii ay goobta isaga tageen ciidanka booliisa Milatare

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka booliisa milatare ayaa ku dhintay iska horimaadka, lamana soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay.

Laamaha ammaanka iyo maamulka degmada ayaan wali ka hadlin iska hoimaadka dhacay iyo waxa sababay, waxaana goobta waxa ka dhaceen oo hadda xaaladeeda degan tahay gaaray masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

- Advertisement -