Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Dil Caawa loo geestay Mustafa Beer Dilaacshe

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahano kooxdooda katirsan caawa deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka magaalada Muqdisho ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo askari la socday.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankooda dileen Mustafa Beer Dilaacshe oo ay sheegeen in uu ahaa Taliyihii ciidanka Nabad sugida ee ka howlgala deegaanka Ceelasha biyaha iyo askari ilaalo u ahaa.

Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyada dilka ninkan loogu geestay Deegaanka Ceelasha Biyaha , waxa ayna Shabaab sheegeen in ay horey usii qaateen gaari nuuca raaxada ah uu watay sargaalka la dilay

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay Al Shabaab ee lagu sheegay in ay dileen Taliyihii ciidanka Nabad sugida ee deegaanka Ceelasha Biyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -