FIFA oo dhiiro galisay Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Macluumaadka kulanka Galabta

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhigiisa Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Djabouti.

Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.

Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartoyda Soomaalida.

Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareega groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray shalayto.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa markaan tallaabo qurux badan qaaday kadib markii ay ay xulka kusoo dareen dhawr ciyaartoy oo qurbaha ka ciyaarta, waana isbadalka laga dareemayo xulka oo tallaabo weyn qaaday.

Dhanka qaranka Zimbabwe waxey xulkooda dib ugu yeereen saddex ka mid ah ciyaartoydooda kuwaas oo horay looga ganaaxay qaranka maadaama lagu eedeeyay iney masuul ka ahaayeen gadoodkii ay sameeyeen xiddigaha wadankaas ka hor bilowgii koobka qaramada qaaradda Afrika ee lagu qabtay Masar.

Si kastaba daafaca labada garab ka ciyaara ee Ali Mohamed kana tirsan kooxda Memphis 901 FC ee dalka USA ayaa seegi doona kulankaan kaas oo lugtii hore ka dhaawacmay qaranka, waxaana la filaya inuu badal u noqdo Abel Gigle oo mar usoo ciyaaray kooxda Parma.

Kabtan Ahmed Ali ayaa sheegay iney qabaan kalsooni badan oo ay ugu riyoon karan iney xulka geyn karaan marxaladda labaad ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 ee wadamada Afrika.

Taageerayal Soomaali ah ayaa gaaray magaalada Harare iyagoo ka ambabaxay wadanka South Afrika si ay taageero ficil ah ugu sameeyaan qarankooda oo kulan dhimasho ah la ciyaaraya dhigooda Zimbabwe.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa si qurux badan uga shaqeysay in dhalinyarada iskood isku xilqaamay ee ku nool wadankaas ay helaan ogolaansho ay ugu safraan wadanka dariskooda ah si ay taageero ugu sameeyaan qaranka.

Safar saacado qaatay oo ay kaga baxeen magalooyin ka mid ah Koonfur Afrika, waxey ugu dambeyntii gaareen halkii ay rabeen oo aheyd Harare.

Kulanka waxaa geeska Afrika laga daawan doonaa 4:00 Galabnimo, sida la rajeynayo barta youtube-ka xiriirka kubadda cagta Adduunka (FIFA) ayaa laga daawan doonaa, walow ay jiri doonaan TV-yo kale oo soo tabin doona ciyaarta.

W/Q Abdirashid Mohamud “SHarDinHO”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -