Dagaal Khasaaro geestay oo dhax maray ciidamada dowlada iyo Al Shabaab

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Sida aan Wararka ku heleyno labada dhinac ayaa waxaa dhax maray dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan, waxaana dagaalka markii dambe uu istaagtay kadib markii ay dib u laabteen kooxdii weerarka soo qaaday.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo ku sugan Garbahaarey ayaa Warbaahinta u sheegay in ay fashiliyeen weerarka Al Shabaab ayna ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha in dagaalkaasi ku dileen labo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale ku furteen qoryo, waxa ayna xuseen saraakiisha in dhankooda uusan soo gaarin khasaaro badan.

Xaalada magaalada Garbahaarey ayaa saakay ah mid  degan, ciidanka dowlada ayaana howlgalo baaritaano ah ka wada qeybo kamid ah magaalada iyo Duleedkeedka kadib weerarkii lagu soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -