Beesha caalamka oo War ka soo saartay heshiiskii Mucaaradka iyo Xukuumada

Wakiilada beesha caalamka ayaa si diiran u soo dhaweeyay heshiiska ay xalay wada gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble, hogaamiyaahsa Galmudug, Hirshabeele, Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharixiinta.

Qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia UNSOM ayaa lagu tilmaamay heshiiskan talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday.

“Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen  Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan.” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay QM.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku daray in QM ay ku boorineyso dhinacyada siyaasada iney sii wadaan wadahadalka si xal looga gaaro qodobada harsan

“Qaramada Midoobay waxay ku dhiiri galinaysaa dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan  mawduucyada kale ee hadhsan si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaag” ayaa lagu soo afjaray qoraalka UN-ka.

Wakiilada beesha caalamka ayaa door weyn oo muhiim ah ku lahaa dhexdhexaadinta dhinacyada Soomaalida ee siyaasada isku maan-dhaafsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -