Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Digniin adag u diray dadka ka macaasha deeqaaha gargaarka (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay shirka madasha xiriirinta gargaarka ee Gobaalka Banaadir, oo soo aggaasintay waaxda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa isla xisaabtan la xariira in sharciga lala tiigsan doono hey’addaaha iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaha gargaarka ah ee loogu talagalay in lagu taageero dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee kunool degmooyinka gobolka Banaadir.

Aggaasimaha waaxda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka gobalka Banaadir Mudane Muxudiin Maxamuud Cabdullahi ( Oogle) waxa uu tilmaamay in waaxda ay diyaarisay nidaam daah-furan oo u baahan in la dhaqan-galiyo islamarkaana fududeyn doono ka hortaga musuqa gargaarka la xariira.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa digniina adag u diray dalaaleyda iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaaha gargaarka ah ee loogu talagalay dadka Barakacayaasha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo saddex arrimood kula dardaarmay Jaaliyadda Turkiga

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Warbixino ka dhegeystay dhowr Wasiir

Caydiid Ali

War uu daabacay Bogga xafiiska RW oo deg deg looga saaray iyo Xog ku aadan Sababta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---