Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada “Magaalada Cadaado oo lagu soo gabogabeyay tababar ay ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliaya

Magaalada Cadaado waxaa lagu soo gabogabeyay maanta tababar socday 2 cisho oo loo qabtay sarakiisha HSJ ee ka howlgala laanta Hay’adda ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Tababarkan ayaa si wada jir ah waxaa ubixinayay agasimaha shaqada iyo shaqaalaha Cabdirisaq Maxamed Xussen iyo La taliyaha Sare ee HSJ Mahad Ahmed Abdi .

Sarakiisha tababarka ka soo qeyb galay ayaa ka kala socday xarumaha ay hay’dda socdaalka iyo jinsiyadda ku kula leedahay magaalooying Cadaado, Guriceel, Galcakyo, Cabudwaq iyo Balanbal oo dhamaan kawada tarsin Galmudug.

Tababarka ayaa ahaa mid saraakiisha lagu barayay sharciga shaqaalaha (human resource policy) kaas oo soconayay 14-15 Dec 2017.

Agaasimaha laanta Hay’adda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sugaal Yusuf Kaahiye ayaa soo dhaween diiran u sameeyay labada mus’uul kuna soo dhaweeyay magaalada Cadaado.

Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Cabdirisaq Maxamed Xussen iyo la taliyaha sare ayaa hore tababar nuucaan oo kale ah ugu soo kala qabtay saraakiisha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee ka howlgala dowlad gobaleedyada kala ah Jubbaland iyo K/Galbeed iyadoo tababarada xiga loo qaban doon saraakiisha ka howlgala dowlad gobaleedyada Hirshabelle iyo Puntland.

Tan iyo markii la soo magacaabay agaasimha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada G/sare Kofi waxay hay’adda ku talaabsatay horumar aad u baaxad wayn leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaligii ugu horeeyey oo isu taagay doorashada Xildhibaanka Xaafada 25aad ee Columbus Ohio

Caydiid Ali

Erdogan oo shaaciyey in Boqolaal ka tirsan Xoogaga Xamaas lagu daweynayo Turkiga

Caydiid Ali

Taliska Booliiska oo beeniyay War lagu baahiyay Warbaahinta iyo Baraha bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---